Published On: Wed, Oct 5th, 2016

Ruushka oo gantaalada lidka Diyaaradaha ku rakibtay Saldhigyadooda Syria

ruushka

Xilli ay sii xumaaneyso xiisada ka dhex taagan Mareykanka iyo Ruushka ee la xariira dagaalka ka socda wadanka Siiriya ayey Militariga Ruushka bilaabeen in gantaalada lidka diyaaradaha ee S300 ku rakibtaan Saldhigyadooda Siiriya.

Waxaa burburay wadahadalkii tooska ahaa ee u dhaxeeyey Mareykanka iyo Ruushka oo doonayey inay xal u helaan dagaalada ka socda wadanka Siiriya.

Mareykanka ayaa todobaadkii lasoo dhaafay duqeeyey xarumo ay leeyihiin ciidamada Dowlada Bashar Al Assad ee taagerada ka hela Ruushka.

Ruushka ayaa dhankiisa dar dar geliyey duqeynta uu ku wado magaalada Xalab (Aleppo) oo ay inta badan gacanta ku hayaan xoogaga Mucaaridka, khasaaraha duqeyntaasi ayaa sii kordheysa iyadoona gebi ahaan la burburiyey isbitaaladii ku yaalay magaaladaasi.

Xukuumada Washington ayaa hada wada daraasad ay wax uga bedaleyso qorshaheeda Siiriya, iyadoo la sheegay in todobaadkan ay Sarakiisha Militariga Maraykanka u gudbin doonaan Taladooda Madaxweyne Barack Obama.

Khubarada siyaasada falanqeeya ayaa dagaalka Siiriya ku tilmaamay mid mustaqbalka keeni kara isku dhac militari oo dhexmara quwadaha dunnida ka jira sida Maraykanka, Ruushka iyo xulafooyinka ay kala wataan oo iyagu kala taageeraya dhinacyada ku dagaalamaya dalka Siiriya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300