Published On: Wed, Oct 5th, 2016

Nin Magaalada Muqdisho ku dilay nin kale oo lagu wareejiyay Hay’adda CID

timthumb-2

Askari ka tirsan Ciidanka Booliska oo Isniintii Magaalada Muqdisho ku dilay askari kale oo ka tirsanaa Ciidanka Militariga, ayaa waxaa lagu wareejiyay Hay’adda Dembi Baarista CID.

Askariga dilka gaystay, ayaa ka tirsanaa Ilaalada Gudoomiyaha Degmada Wadajir, Axmed Cabdulle Afrax, waxaana Hay’adda CID u gacangeliyay Gudoomiye Afrax.

Korneyl Bishaar Abshir Geedi, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, ayaa Talaadadii xaqiijiyay in askarigaasi lagu wareejijiyay Hay’adda CID.

Taliyaha, ayaa Gudoomiyaha Degmada Wadajir ku ammaanay in dembiilaha uu gacanta ku soo dhigay, isla-markaana uu ku soo wareejiyay sharciga.

Taliyaha, ayaa Axmed Cabdulle Afrax ku ammaanay inuu ka run sheegay masuuliyadda ka saaran ilaalinta nabadgelyada.

Korneyl Bishaar Abshir Geedi, ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu qabtay Degmada Wadajir, isla-markaana uu ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani).

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300