Published On: Tue, Oct 4th, 2016

Maxaa Maanta ka cusub Magaalada Baydhabo?

download-1

Ammaanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa saaka si weyn loo adkeeyay, waxaana wadooyinka soo gala garoonka magaalada Baydhabo lasoo dhoobay ciidamo aad u farabadan oo ka tirsan kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulamo kala duwan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada kunool Magaalada Baydhabo , waxaana uu kala hadlay arimo badan oo ku saabsan doorashooyinka ka dhacaya dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn u taageeray Qoondada haweenka oo ay kasoo horjeesteen Hay’adda Culimada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xaqiijinayso Qoondada 30% ee looga talagalay haweenka Soomaaliyeed in ay dowladda ka helaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wado in uu Maanta dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300