Published On: Tue, Oct 4th, 2016

Mareykanka oo hakinaya wadahadaladii Ruushka

suuriya

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay hakinayso wadahadalladii ay Ruushka kala laheyd arrimaha Suuriya.

Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa sheegtay in Moscow aanay ka soo bixin qodobadii heshiiskii bishii la soo dhaafay si loo dhaqangeliyo xabbad joojin iyo in la xaqiijiyo in gargaarka bini’aadamnimo halkaa la gaarsiiyo.

Wahadallada u dhexeeya Mareykanka iyo Ruushku in ay burburayaan waa la filayay, ka dib markii xabad joojintii burburtay laba todobaad ka hor.

Af-hayeen u hadlay Mareykanka ayaa ku eedeeyay Ruushka, inuu ku guul darraystay inuu xaqiijiyo in dowladda Suuriya xabbad joojinta dhawrto.

Waxaanu labada dowladoodba ku dhaleeceeyay inay weerareen isbitaalo, gargaarka bani’aadannimona xannibeen iyo inay bartilmaameedsadeen dad rayid ah.

Aqalka Cad ayaa sheegay in cid walba uu ka dhamaaday dulqaadkii ay u lahaayeen Ruushka

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300