Published On: Tue, Oct 4th, 2016

Ciidanka Jubbaland oo howgallo ka wada Kismaayo

11-6

Ciidanka maamulka Jubbaland ayaa howgallo waxa ay ka wadaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose .

Howgalka ayaa ka socda Xaafada Guul wade oo saaka kooxo hubeysan ay Bam Gacmeed ku weerareen saldhiga ciidanka Nabad Suggida .

Ciidanka ayaa la sheegaya in ay ku dabajoogaan kooxihii ka dambeeyay Bambooyinka Saaka lagu weeraray saldhiga Ciidanka hay’adda Nabad suggida oo ku yaalla Xaafada Guul Wade ee Magaalada Kismaayo.

Saraakiisha maamulka Jubbaland oo aan la xariirnay ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay Bam Gacmeedkii Saaka lagu weeraray Saldhiga Ciidanka Nabad Suggida.

Qof Goobjooge ah ayaa Risaala u sheegeen in Bom gacmeedka lagu weeraray xero ciidanka Nabad sugida ay ku leeyihin  Xaafadda Guul-wade ee magaalada Kismaayo.

Goobjoogahaasi ayaa sidoo kale xaqiijiyay in aysan indhihiiso qaban wax khasaare ah oo ka dhashay bom Gacmeedka lagu weeraray Kismaayo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300