Published On: Mon, Oct 3rd, 2016

Xildhibaan Cabdi Barre “Somaliya looguma talo galin inay Doorasho ka dhacdo”

timthumb-2

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jabriil oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Somaliya ee waqtigooda uu dhamaaday, ayaa sheegay in Somaliya aanan loogu talo galin inay Doorasho ka dhacdo, marka la eego sida Madaxda Dowladda ay u maaweelinayaan shacabka.

Waxa uu sheegay Doorashada Somaliya hadba in dib loo dhigaayo, taasi oo muujinaysa ku talo galka rasmiga ah ee jira inuusan aheyn in Somaliya ay ka dhacdo Doorasho sax ah.

Guddiga Doorashooyinka Somaliya ayaa labo mar dib u dhigay waqtigii lagu balamay in la qabto Doorashada Somaliya, iyadoo arintaasi ay walaac ka muujiyeen xubnaha Beesha caalamka oo bixiyay 60% Dhaqaalaha ku baxaya Doorashada Somaliya.

“Runtii waxaad mooddaa Somaliya inaan loogu talogalin wax doorasho ahba iney ka dhacdo, waxaad mooddaa in loogu talo galay in la is qabqabsado in sidaa la isku haysto in dalku dowlad la’aan noqdo in dhibaato badan dalka ka dhacdo, waxaad mooddaa haddii la arkay Somaliya ay ku meelgaarkii ka baxday oo ay yeelatay  dowlad rasmi ah oo cageheeda isku taagtay in dib la iskugu diraayo si intaasi meesha uga baxdo, dhibka ugu weyn waxa uu dhacay markii la yiri 51 qof ayaa wax xulaneysa oo aad mooddo jifo-jifo hoose ay noqotay oo jifo kastaa ay tiri anaa maanta xaq u leh oo aan la fiirineyn dowladnimada iyo nidaamkeeda yaa ka bixi kara, dowladdii Soomaaliya maanta waxay iskugu uruurtay jifo hebel baa maanta xaq u leh, waa nidaam qabaa’ilkii aad loogu kala fogeynaayo.” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Barre

Deeganada Maamul Goboledyada dalka ka jira ayaa hada waxaa ka socda Diyaargarow buuxa oo loogu guda jira arimaha ku aadan Doorashooyinka Somaliya oo bilaha soo socda dhacaayo.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegaya inaysan rajo badan ka qabin in Doorashada ay waqtigeeda ku dhacdo oo waxa ay leeyihiin inay dib u dhacdo mar saddexaad ayaa suuragal ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300