Published On: Mon, Oct 3rd, 2016

Daacish oo Libya ku dishay Suxufi u dhashay dalka Holland

daacish

Jeroen Oerlemans oo ahaa suxufi iyo sawir-qaade u dhashay dalka Holland ayaa Axadii shalay lagu dilay magaalada Sirte ee wadanka Liibiya.

Suxufigan ayaa kamid ahaa saxaafada warka kasoo tabinayey magaalada Sirte oo ay dagaalo ku dhexmarayaan xoogaga Daacish (ISIS) iyo ciidamada dowlada Liibiya.

Waxaana la sheegay in suxufigan uu la socday ciidamada Dowlada Liibiya, kadibna ay meel dheer ka soo toogteen dagaalyahanada ISIS ee weli ka dagaalamaya qeybo kamid ah magaalada Sirte.

Jeroen ayaa kamid ahaa suxufiyiinta faro ku tiriska ah ee ajnabiga ah ee hada wararka kasoo tabiya dagaalada kasocda dalka Liibiya. Wuxuuna sidoo kale kasoo shaqeeyey wadamada Afghaanistaan iyo Siiriya.

Sawirqaadahan ayaa sanadkii 2012 waxaa lagu afduubtay waqooyiga wadanka Siiriya isagoo xiligaasi la socday suxufi kale oo u dhashay UK, waxaana afduub loo heystay muddo 10 maalmood ah kahor intaysan soo siideyn xoogaga Mucaaridka Siiriya.

Dagaalada ka socda dalka Libya ee u dhaxeeya ciidamada Dowladda iyo Xoogaga Daacish ayaa sii cuslaanaya, xilli Daacish ay ku isku dayayaan inay iska caabiyaan ciidamada Dowladda Libya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300