Published On: Mon, Oct 3rd, 2016

Al-Shabaab oo madaafiic ku garaacay saldhig ay leeyihiin Ciidanka Itoobiya

itoobiya

Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab xalay waxaa duqeyn loo geystay saldhiga ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin deegaanka Ceel- Cali  ee gobolka Hiiraaan.

Al-Shabaab ayaa sheegay in cutubyo ka tirsan ciidankooda ay Madaafiic ku garaaceen saldhiga ciidanka Itoobiya ee ku yaalla deegaanka Ceelcali ee duleedka magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan.

Al-Shabaab ayaa sheegay in ay dhowr madfac ay ku dhufteen gudaha saldhiga ciidanka Itoobiya deegaanka Ceel Cali , islamarkaana ay ka dhasheen khasaare kala duwan.

Majiraan saraakiil ka tirsan ciidanka Itoobiya ee ku sugan gobolka Hiiraan oo ka hadlay madaafiic ay Al-Shabaab sheegayaan in ay ku garaaceen saldhiga ciidanka Itoobiya ee gobolka Hiiraan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300