Published On: Sun, Oct 2nd, 2016

Qaraxyo ka dhacay degmada Buur Hakaba, Gobolka Baay.

Buur-Xakaba-262x309Hal askari ayaa geeriyoodey afar qof kale oo isugu jira askar iyo shacab dhaawac ayaa soo gaarey, kadib markii qaraxyo ay ka dhaceen degmada Buur-Hakaba, gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya qarax lagula eegtay Degmadaasi, xilli Howlgallo ay sameynayeen.

Qaraxyadan ayaa ahaa Miinada noocyada dhulka lagu Aaso, waxaana ay geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida uu xaqiijiyey Gudoomiye ku xigeenka Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay.

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay Axmed Maxamed Kheyr ayaa sidoo kale sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa ragii ka dambeeyay falkan.

Weerarada iyo Qaraxyada bartilmaameedsan ayaa maalmihii ugu dambeeyay u muuqda kuwa soo xoogeysanaya oo meelo kale duwan ka dhacaya, iyadoo maamulada iyo dowladuba ay sheegayaan in ay talaabo xoogan ka qaadayaan kooxaha weerarada geysta.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300