Published On: Sun, Oct 2nd, 2016

Duqa Muqdisho “Dhagxaanta amni ma sugaan ee wadooyinka hala furo

duqa

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa xilligaan garowsaday dhagxaanta waaweyn ee lagu xiray wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho inaysan suggi karin ammaanka caasimada.

Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa wuxuu sheegay Dhagxaan la dhigo wadooyinka iyo Caro tuur Difaacyo ah oo la sameysta intaba inaysan suggi karin ammaanka Magaaladan, sidaasi awgeedna loo baahan yahay in la furo wadooyinka dhagxaanta lagu jaray.

Waxa uu sheegay Guddoomiye Jimcaale arin dhibkeeda wadata inay tahay dhagxaanta wadooyinka la dhigay, isaga oo qiray in Magaalada oo dhan ciriiri ay gashay, maadaama wadooyinka qaar oo gaadiidka ay mari lahaayeen aysan u mari karin dhagxaan waaweyn oo lagu jaray.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa soo hadal qaaday gaadiidka waaweyn ee ka baxa Dekada Magaalada Muqdisho inay dhibaato badan u maraan sidii ay u gaari lahaayeen qaybaha ay ka doonayaan Magaalada Muqdisho.

“Waa arrin dhib badan, waa arrin argagax leh, waxaadba moodaa in arrinkaasi dhaqan noqday in dadkuba caadeysteen in qolo kastaba magangasho dhagax shub ah ama carro meel la dhigo oo dadkana lagu dhibo, carro wax ma celiso, dhagaxna wax ma celiyo, arrinkaasi waxaan rabnaa marka in aan ka dhiidhinno oo aan ka qeylinno, haddii aan fududeysanno wax walbo marka dambe waxaad arkeysaa gurigaaga hortiisa oo dhegax ku dadban yahay, waxaa laga yaaabaa in habeenkii ku calwasaaddo oo adigana subaxii dhegax soo jiiddo, waxaad arkeysaa waddo muhiim ah misane dhagxaan lagu jaray, waxaan rabnaa in arrinkaasi sidaasi ula dagaalanno”

Dadka dhagxaanta waaweyn ku jaray wadooyinka Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu ugu baaqay Guddoomiye Jimcaale inay furaan wadooyinka oo laga fekero qorshe kale oo lagu xaqiijinaayo ammaanka Magaalada Muqdisho.

Xarumaha Dowladda ee caasimada ku yaalo, guryaha ay degan yihiin masuuliyiinta heerkooda sareeyo iyo kuwa heerkooda hooseeyo ee Dowladda Federalka Somaliya ayaa waxaa lagu jaray dhagxaan waaweyn oo saameyn togan ku yeeshay dadka Caasimada ku nool.

Falanqeeyayaasha dhinaca amniga ayaa horay u sheegay dhagxaanta waaweyn ee wadooyinka lagu gooyay in iyaga ay qayb ka yihiin Korarka Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhasha Qaraxyada, maadaama dhagaxa marka uu bur buro uu sii geysanaayo Khasaare kale oo dheeraad ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300