Published On: Sun, Oct 2nd, 2016

Ciidanka Koonfur Galbeed oo gacanta ku dhigay hub Shabaab ay lahaayeen

koonfur-galbeed

Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed howlgal ay ka sameeyeen duleedka Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen hub ay lahaayeen dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Guddoomiyaha Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay Ibraahin Maxamed Aadan Shigshigow, ayaa Warbaahinta u sheegay xilli Ciidamo Shabaab ka tirsan ay dadka ka aruursanayeen Zakawaad inay ku baxen ciidanka Koonfur Galbeed.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha ciidankii Shabaabka ka tirsanaa inay ka carareen qaar ka mid ah hubkii ay wateen, sidaasina ciidamada Koonfur Galbeed ay ugu suuragashay inay gacanta ku soo dhigaan hubkaasi oo uusan sheegin cadadkooda.

“Ciidanka labada dhinac ayaa weerarka qaaday, waxaa u suura gashay in ay gacanta ku dhigaan hub ay ka carareen Al-shabaab, dadka shacabka ah ayaa noo soo sheegay waxa ay ugu yeeraan Zakawaad ayeey dadka ka aruursanaayeen.”Ayuu yiri Guddoomiyaha Diinsoor.

Guddoomiyaha Degmada Diinsoor, waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidankooda ay ka go’an tahay sidii guluf Millateri oo ka dhan ah Ururka Al Shabaab loogu qaadi lahaa dhamaan deeganada ay ka joogaan Koonfur Galbeed.

Ciidamada Shabaabka ayaanan ka fogeyn Degmooyinka Gobolka Baay oo waxa ay ku sugan yihiin meelo aanan sidaasi uga fogeyn Magaalooyinka waaweyn ee ciidamada Huwanta ay gacanta ku hayaan.

Shabaab kama aysan hadlin hubkaan looga qabsaday Duleedka Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300