Published On: Sat, Oct 1st, 2016

Safiirka Mareykanka ee Somaliya oo ka hadlay Duqeyntii Mareykanka uu ku laayay ciidamada Galmudug

timthumb

Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Somaliya ayaa ka hadlay Duqeyntii Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ku laayeen ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug, kadib Duqeyntii ka dhacday Deegaanka Jeexdin ee Gobolka Mudug.

Stephen Schwartz, ayaa sheegay in Wasaarada Gaashaandhiga Dalka Mareykanka ee Pentagon ay go’aamisay in Duqeyntaasi lagu laayay Shabaab ku sugnaa inta u dhaxeysa Galmudug iyo Puntland.

Safiirka wuxuu sheegay Maamulada Galmudug iyo Puntland inay si dhaw ugala shaqeynayaan waxa dhacay, islamarkaana ay rajeynayaan inay wax badan ka ogaadaan waxa dhacay.

“Waxaan kuu sheegayaa in Mareykanka ay ka go’an tahay wax badan ayaan Somaliya ka caawineynay sidii ay ugu guuleysan laheyd soo celinta Nabadda iyo Barwaaqada  gaar ahaan sidii looga guuleysan lahaa argagaxisada, waxaan qaadnay weerar isdifaacid ah horaantii todobaadkaan waxaana uu qayb ka  ahaa la dagaalanka Dowladda Somaliya ee Kooxda Shabaab, laakiin si dhab ah ayaan u qaadanaynaa eedeynta ah in la dilay dad aanan dagaal ku jirin, waaxda Difaaca ayaa Baaritaan sameysay iyada ayaana go’aamisay in Weerarkaasi aanan lagu dilin dad rayid ah ama aanan dagaal ku jirin weli waxaan si dhaw u la shaqeynaynaa Galmudug iyo Puntland si aan wax badan uga wada ogaano, waxa aan aaminsanahay ee dhacay, laakiin waxaan ognahay Shabaab inay ka howlgasho xadka u dhaxeeya Galmudug iyo Puntland, waxa ay isku dayayaan inay tafaraaruq u kala dhex dhigi lahaayeen dadka deegaanka, laakiin uma maleynaayo in dadka deegaanka hadalkaasi ay qaadanayaan.”

Stephen Schwartz, ayaa la weydiiyay Duqeyntii ay ka geysteen Gobolka Mudug inay dib u soo celiso Colaadii u dhaxeysa Maamulada Galmudug iyo Puntland, isaga oo sheegay in Dowladda Mareykanka ay u madax banaan tahay howlgalada ay fulinaysa, laakiin uusan rajeynayn in colaad arintaasi ka dhalata in labada Maamul ay dhexmarto.

“Waa inaysan dhicin Dowladda Mareykanka iyada ayaa masuul ka aha ficiladeeda cidna kuma eedeynayna inaga ayaa kala xaajoonayna labada Maamulba si kala gaar gaar ah, laakiin tani ma’ahan mid isku direysa Labada Maamul iyo Qabaai’ilka halkaasi dega.” Ayuuu yiri Stephen Schwartz oo la hadlay VOA.

Dowladda Somaliya, Taliska Ciidanka Xooga dalka iyo Maamulka Galmudug ayaa si wadajir ah u sheegay duqeyntaasi in lagu laayay ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300