Published On: Sat, Oct 1st, 2016

Qarax ka dhacay Afaafka hore mid ka mid ah Maqaayadaha Muqdisho (Warbixin+Cod)

gaadiidka

Qarax khasaare geystay ayaa goordhow ka dhacay Afaafka hore Maqaayada Blue Sky ee agagaarka Taalada Xaawo Taako  ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay Maqaayada Blue Sky , waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyey 2 ruux ayaa ku dhimatay qaraxa 9 kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray.

Dad goobjoogayaal oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay inta badan ay burburtay Maqaayada Blue Sky oo uu Qaraxu ka dhacay.

Dhinaca kale, Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane oo warbaahinta kula hadlay goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa xaqiijiyay Geerida 2 qof iyo sidoo kale Dhaawaca Afarta kale.

Ciidanka ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa xiray dhammaan wadooyinka soo gala Maqaayada Blue Sky oo uu Qaraxu ka dhacay.

HALKAN HOOSE KA DHEGEYSO.


About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300