Published On: Fri, Sep 30th, 2016

Mareykanka oo shaqaalihiisa kala baxaya DRC

_91454090_069325a1-c72d-4cfc-a25a-10e61dfa27a2

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku amartay qoysaska saraakiisha dowladda ee ku sugan dalka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo in ay dalkaasi ka baxaan, sababo la xiriira xasillooni darrida dalkaasi ka jirta.

Dhawaan ayaa dalkaasi waxaa ka jiray dibadbaxyo rabshado wata oo looga ashtakoonayay doorashada madaxtinimada ee dib loo dhigay.

Ugu yaraan 50 ayaa ku dhimatay rabshado magaalada Kinshasa ku dhex maray dad dibad-baxyo dhigayay iyo xoogagga ammaanka. Bariga dalkaasi ayaa waxaa hadda ka jirta xasilooni darro, iyadoo dowladda ay awoodi la’dahay in ay xukunto meel ka abxsan magaalooyinka waaweyn.

Mucaaradka dalkaasi ayaa doonaya in madaxweyne Kabila uu xilka ka dego marka uu wakhtigaiisa dhameysto, waxa ayna ku eedeynayaan madaxweynaha in uu doonayo in uu xilka ku sii dhegganaado

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300