Published On: Fri, Sep 30th, 2016

Guddi loo saaray Baaritaanka Duqeyntii Gaalkacyo

5q-1

Golaha Wasiirada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shalay kulankooda Khamiislaha ahaa Magaalada Muqdisho ku yeeshay ayaa Guddi Wasiiro ah u saaray, si baaritaano dhab ah ay ugu soo sameeyaan Duqeyntii Diyaaradaha Mareykanka ay ka geysteen Bariga Gobolka Mudug.

Afhayeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya C/casiis Xaaji Cabdi (Goobdoon) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Guddigan Wasiirada ah ay tagi doonaan Magaalada Gaalkacyo, sidoo kalena baaritaano dhab ah ay ku soo sameyn doonaan.

C/casiis Xaaji Cabdi Goobdoon Afhayeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in Dowladda Mareykanka laga sugayo warbixin cad oo ku aadan Duqeyntii ka dhacday Bariga Gobolka Mudug ee lagu dilay Ciidamo ka tirsan Maamulka galmudug

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300