Published On: Fri, Sep 30th, 2016

Faah faahin: Sarkaal lagu dilay Magaalada Muqdisho

sarkaal

Sarkaalkan, ayaa waxaa uu ka tirsanaa Wasaaradda Cadaaladda Somaliya, iyadoo rag bistoolado ku hubeysan ay xalay ku dileen Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Maxamed Axmed Qoordheere, ayaa xilligii la dilaayay waxaa uu ka soo baxay Masaajid ku yaala xaafadda Cali Boolaay, oo Salaaddii Maqrib uu ku soo tukaday. Dembiile-yaasha ayaa wadada u galay, xilli uu ku sii jeeday hoygiisa.

Dadka deegaanka, ayaa waxay xaqiijiyen in laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa ay marxuumka ka toogteen qaarka sare, isla-markaana ay ka baxsadeen goobtii ay falka ka gaysteen.

Sheekh Cismaan Cumar oo ka mid ah ehelada marxuumka, ayaa isna xaqiijiyay in rag hubeysan ay Degmadaasi Waaberi ku dileen Sarkaalkaasi.

Sheekh Cismaan Cumar oo la hadlay Idaacadda Shabelle, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Maxamed Axmed Qoordheere uu hadda ku magacawnaa Xisaabiyaha Idman ee Wasaaradda Cadaaladda.

Dhanka kale Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Waaberi, Xuseen Maxamed Cabdi, ayaa sheegay in ay ku daba jooggaan dembiile-yaasha, oo lala xiriirinayo Ururka Al Shabaab.

Xaafadda Cali Boollaay, ayaa noqotay halka ugu badan ay dilalka ka gaystaan ragga bistooladaha la cararaya, ee sida dhow loola xiriiriyo mintidiinta Al Shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300