Published On: Thu, Sep 29th, 2016

Xaalada Magaalada Gaalkacyo oo saakay Degan

gaalkacayo

Waxaa saakay xaalad Deganaansho ah laga dareemayaa Deegaanka Jeexdin, oo dhaca Duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo Habeen ka hor ay ka dhacday Duqeyn.

Wariyaha Risaala ee Magaalada Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in xaalada goobtii shalay ay Duqeynta ka dhacday saakay ay tahay mid degan, sidoo kalena Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ay halkaasi soo gaareen si ay u qiimeeyaan xaalada.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo shalay si deg deg ah ugu laabtay Magaalada Cadaado ayaa xalay kulamo la qaatay Golaha Wasiirada Galmudug iyo Waxgarad, waxaana uu kala hadlay Duqeyntii ka dhacday Gaalkacyo.

Shalay ayay aheyd markii Magaalada Gaalkacyo uu ka dhacay Banaanbax Balaaran, kaas oo looga soo horjeeday weerarkii dhinaca cirka ahaa, ee lala beegsaday Ciidamada Maamulka Galmudug, kana dhacay Deegaanka Jeexdin, oo dhaca Duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300