Published On: Thu, Sep 29th, 2016

Golaha wasiirada Maxay Maanta ka yiraahdeen Duqeyntii Diyaaradaha Mareykanka ee Gaalkacyo.

wasiirada1

Golaha wasiirada xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa manta kulan ay yeesheen kaga Hadley arrimo ay ka mid tahay duqeyntii diyaaradaha ciidamada Ameerikaanka ay dhowaan ka geysteen deegaano ay maamulaan Gal-Mudug, halkaasi oo shacab iyo askarba ay ku geeriyoodeen.

Golaha ayaa warsaxaafadeed ka soo saarey kulankooda, kaasi oo ka koobnaa labo qodob oo farqooyin hoosaadyo lahaa, una dhignaa sidan soo socota:-

Qodobka koowaad.

Go’aanka Wasiirada ee Sumadiisu tahay SHGW.00.87.09.16 ee 29/09/16, kuna saabsan ansixinta war-murtiyeed Duqeyntii Mareykanku u geystey ciidamada iyo shacabka dowlad goboleedka Gal-Mudug oo goluhu cod buuxa  uu ku ansixiyey.

Qodobka labaad.

1- Goluhu wuxuu ka tacsiyeynayaa geerida ku timid shacabkii iyo ciidamada daraawiishta ee Galmudug ee ka dhacay bariga Gaalkacyo 28-kii september 2016.

2-Goluhu wuxuu walaac ka muujiyey sheegashada Puntland ee duqeynta.

3-Goluhu wuxuu ka codsadey dowlada Mareykanka in ay sharaxaad Waafi ah ka bixiso weerarkii dayuuradaheedu ku qaadeen ciidanka daraawiishta Gal-Mudug, iyo waliba sida ay weerarkaas ula socodsiiyaan hay’adaha amniga Soomaaliya.

4-Goluhu wuxuu guddi wasiiro ah u soo saarey in ay soo baaraan weerarka lagu qaadey ciidanka Gal-mudug.

5- Goluhu wuxuu ugu baaqayaa maamulada Gal-Mudug iyo Puntland in ay xiisada dejiyaan.

Warsaxaafadeedka Nuqulkiisa asalka ah Hoos ka akhri.

warsaxaafeed

war

wasiirada3

DAAWO SAWIRADA GOLAHA WASIIRADA KULANKII MAANTA

wasiirada wasiirada1

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300