Published On: Tue, Sep 27th, 2016

Qof Soomaali ah oo Meydkiisa laga helay xabsi ku yaala Ingiriiska, isagoo la lalmiyey.

strangeways-jail1

Maxbuuskaasi oo la oran jirey Jamaal Xuseen oo 32 jir ahaa ayaa laga helay isagoo ka lalmanayo qolka uu kaga xirnaa Xabsiga Strangeways ee magaalladda Manchester ee dalka Britain ayaa ku geeriyooday Isbitaalka.

Bishan September 1-dii ayaa la helay isagoo ka soo laalaada saqafka sare ee qolka Xabsiga uu ku jiray, waxaana loola cararay Isbitaalka oo uu ku geeriyooday bishan 13-da.

Qoyskiisa waxay sheegeen inay qaar ka mid ah Maxaabiista la xirnayd ay ka dambeeyeen falkaasi, kadib, markii ay arkeen Marxuumka oo eegayo alaab Kontorobaan oo Maxaabiista si qarsoodi loogu soo gudbiyey.

Afhayeen u hadlay Adeegga Xabsiyadda ee Britain ayaa sheegay in Baaritan Madax-bannaan ku samyn doonaan dhimashadda Maxbuuska Soomaalida ee Jamaal Xuseen.

Dhinaca kale, Wargeyska The Manchester Evening News ayaa qoray in Marxuumkaasi la sheegay inuu Xukun-suge ahaa, kadib, markii uu bishii July 12-dii ee sannadkan jir-dil u geystay Aabihiisa.

Kiiskaasi ayaana horey loogu soo maxkamadeeyey bishii August 15-da, isagoo la soo taagay Maxkamadda Minshull Street Crown Court ee magaalladda Manchester.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300