Published On: Tue, Sep 27th, 2016

Madaxweynaha oo ka hadlay maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe

xasan

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda aysan dadejin dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qorshaha dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe uu so socda mudo sanad iyo bilooyin ah isla markaana weli ay socoto qancinta beelaha qaar ee wax tabanaya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay ku dadaaleyso in la dhiso Maamul ay ku wada qanacsan yihiin shacabka dega gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Waxa uu tilmaamay Madaxweynaha in dadka kusugan Jowhar ay yihiin dadka ugu badan ee awooda ku leh dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shekh Maxamuud ayaa hadalkaani ka sheegay ka dib Wareysi uu siiyay Muuqaal baahiyaha Bulsho TV.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300