Published On: Tue, Sep 27th, 2016

DEG DEG: Weriye ka howl galayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho oo la diley

deg-deg-ah11Mid ka mid ah weriyeyaasha ka howl gala idaacadaha Muqdisho ayaa goor dhow lagu diley magaalada Muqdisho.

Weriyahan oo la oran jirey C/casiis Maxamed Cali Xaaji, wuxuu ka tirsanaa Shaqaalaha Radio Shabelle ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in falka dilka ah uu ka dhacay degmada Yaaqshiid, gobolkani Banaadir.

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in ay Dilkiisa ka dambeeyeen, hase yeeshee markii ay Dilka fuliyeen kadib ka baxsadeen goobta uu Dilka ka dhacay.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid ka hadashay dilka weriyahan iyo cid sheegatay intaba.

Ma aha markii ugu horeysay oo weriye lagu dilo magaalada Muqdisho, inkastoo mudooyinka dambe uu aad u yaraadey dilka weriyeyaasha, sidoo kale Radio Shabelle ayaa dhowr jeer oo hore la diley weriyeyaal ka shaqeynayay.

Wixii ku soo kordha waan idin soo gudbineynaa.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300