Published On: Mon, Sep 26th, 2016

Wararkii ugu dambeeyay Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Jubbada hoose

duqeyn

Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in duqeyn geystay khasaare kala duwan xalay diyaarado dagaal ay ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.

Deegaanka Gaanjo-roon oo dhowr Mitir u jira deegaanka Beerxaani ayaa la  sheegaya in diyaarado dagaal ay xalay Saqdii dhexe ka geysteen duqeyn xoogan oo dadka deegaanka cabsi weyn ku abuurtay.

Saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegay in halkaasi lagu bartilmaameedsaday xubno Shabaab ka tirsan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in duqeyn ay barbar socdeen weerar ay qaadeen ciidamo Ajaanib oo diyaaradaha duqeynta waday kasoo daatay.

Maamulka Jubbaland Wali Faahfaahin kama bixin duqeynta xalay ka dhacday gobolka Jubbada Hoose.

Warar ay  sidoo kale  heshay idaacadda Risaala ayaa sheegaya in duqeynta ay ku waxyeeloobeen Qaar ka mid ah  dadka kunool deegaanka Gaanjo-roon.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300