Published On: Mon, Sep 26th, 2016

Waqtigii Doorashada Soomaaliya oo dib loo dhigey. (GUDDIGA DOORASHOOYINKA OO SHAACIYEY)

cumar_dhegeet

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in dib u dhac uu ku yimid waqtigii loo qabtey doorashada dalka, iyagoo soo banadhigey waqtiga cusub ee loo qabtey in ay doorashooyinka ku dhacaan.

Guddoomiyaha Guddiga, Avv: Cumar Cabdulle  Cumar (Dhageey) oo Shir jiraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay dib u dhaca doorashada.

Cumar Dhageey ayaa sheegay in ay soo saareen Jadwal Cusub oo dhanka Doorshooyinka ah, maadaama kii hore uu Dib u dhac ku yimid.

Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ayaa la sheegay in ay dhici doonto ugu dambeyn  5-ta  Bisha October.

Doorashada Xildhibaanada Soomaaliya waxaa Guddigu uu u asteeyay in ay dhacdo  23-ka Bisha October  ilaa 10-ka November.

Doorshada Guddoonka Labada Aqal waxaa iyana loo qorsheeyay 23-ka November.

Doorashada Madaxweynaha  Soomaaliya waxaa Guddigu uu shaaciyay in ay dhici doonto 30-ka November.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegay in Doorashadu aysan ka dib dhaceyn xilligii horay loogu Heshiiyay ee ahaa in ay dhacdo Doorashada Madaxweyne 30-ka October.

Jadwalkaan Cusub ee Guddiga Doorashooyinka Dadban ay soo saareen lama oga Musharaxiinta Xilka Madaxweyne iyo Xisbiyada Mucaaradka waxa ay ka dhihi doonaan.

Shalay ayaa la filayay in guddiga doorashooyinka dadban ay ku dhawaaqaan dib u dhaca, hase yeeshee saxaafada oo loo yeerey si warbixinta loo siiyo ayaa la fasaxay, kadib markii gacmo kale ay soo fara geliyeen guddiga.

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300