Published On: Mon, Sep 26th, 2016

DEG DEG: Mid ka mid wasiirada Puntland oo is casiley.

soocade

Garoowe, (Dulqaadka):- Mid ka mid ah wasiirada Maamul goboleedka la magac baxay Puntland ayaa goor dhow oo maanta is casiley.

Wararka ayaa sheegaya wasiirka warfaafinta iyo Boostada Maamulkaasi uu shaaciyey in uu shaqada isaga tegey, isla markaasina uu xilka iska dhigey.

Maxamuud Xasan Soo-Cadde oo ah wasiirka xilka iska dhigey ayaa ku macneeyay is casilaadiisa in ay tahay mid ka mid arrimo isaga u gaar ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wuxuu sidoo kale sheegay in uu warqada is casilaada uu u gudbiyey madaxda ka sareysa, uuna rajeynayo in laga aqbali doono.

Mas’uuliyiin badan oo ka tirsan maamul goboleedka Puntand ayaa u hanqaltaagaya, kana rajo qaba in ay ka mid noqdaan xubnaha aqalka sare iyo hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Hase yeeshee, Dadka arrimaha siyaasada indha-indheeya ayaa qaba in is casilaada Soo-Cadde ay la xiriirto Arrimahan.

Xigasho: Dulqaadka.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300