Published On: Sun, Sep 25th, 2016

Masuul ka tirsanaa Maamulka Sh/Hoose oo la diley.

marka

Wararka naga soo gaaraya degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ay xalay ururka Al-Shabaab ay degmadaasi ay ku dileen Ma’suul ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Al-Shabaab ayaa xalay waxa ay dileen gudoomiye ku xigeenka qorshaynta iyo dib u dhiska degmada Marka Xuseen Maxamed Axmed.

Gudoomiyaha ku xigeenka la dilay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa madaxda ugu caansan degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose , waxaana xilkaasi u magacaabay maamulka Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha ku xigeenka arimaha bulshada oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa ka hadlay dilka xalay loo geystay gudoomiye ku xigeenka qorsheynta iyo sidoo kale dib u dhiska degmada Marka.

Magaalada Marka ayaa waxaa ka jirta xaalad kacsan ,waxaana gacan ku heynta degmadaasi isku badbadala Maleeshiyo hubeysan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300