Published On: Sun, Sep 25th, 2016

Dowlada oo Shacabka weydiisay Calanka loo sameynayo Hiiraan/Sh/Dhexe State

wasirada-9
Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa Dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ka dalbatay in ay la wadaagaan Calanka iyo magaca uu qaadanayo maamulka loo dhisayo labadaasi Gobol.

Wasaaradda ayaa dalbatay in Dadweynaha Soomaaliyeed ay E-maillada kula wadaagaan Labadaasi shaqo ee kala ah Calanka iyo Magaca maamulkaasi uu qaadanayo.

Ergada ku shirsan Jowhar ayaa looga fadhiyaa dhameystirka Maamulka Labada Gobol iyada oo howsha ugu horreysa ay tahay sameynta Dastuurka Maamulkaasi kadibna ay raacin doonaan isku raacidda Calanka iyo Magaca maamulka.
28ka Bishan September ayuu qorshuhu yahay in ay doortaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi iyada oo Xildhibaannadana dooran doonaan Madaxweynaha maamulkaasi 3-da Bisha October ee soo socota.

Sidoo kale wasaarada ayaa sheegtay in dadka soo gudbinaya magaca iyo astaanta calanka maamulka labada gobol ay ku soo diraan Ciwaanada kala ah ( info@moifa.gov.so ama www.moifa.gov.so ).

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300