Published On: Sun, Sep 25th, 2016

Ciidamo la wareegey Bangiga Dhexe, Puntland.

askarta

Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland ay la wareegey Bankiga Dhexe ee Maamulkaasi, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadani ay si gaar ah uga tirsan yihiin Sirdoonka Puntland, waxaana gabi ahaan ay isku hareereeyeen Bankiga Dhexe ee Maamulka Puntland oo ku yaalla Magaalada Garoowe.

Ciidamadani ayaa sheegay in ay ka xanaaqsanaayeenku dhowaad muddo 2 Bil ah oo aysan qaadan Mushaarkii ay xaqa u lahaayeen, sida ay xaqiijiyeen ilo muhiim ah.

Weriyeyaal ku sugan Magaalada Garoowe ayaa soo sheegay in Ciidanka ay kala eryeen dhamaan shaqaaliha Bankiga, inkastoo aysan gudaha u gelin Bankiga.

Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland ayaa wada dadaalo lagu qancinayo Ciidankan la wareegay Bankiga Dhexe ee Maamulka Puntland.

Dhowr jeer ooh ore ayay ciidamada cabashooyin ka muujiyeen mushaharooyinka oo aysan helin, inkastoo maamulka Puntland uu dhowr jeer balan qaadey in uu arrimahaasi wax badan ka qabanayo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300