Published On: Sat, Sep 24th, 2016

Qarax caawa ka dhacay Magaalada Beledweyne.

beledweyne1

Magaalada Beledweyne, Xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu soo waramayaa   in Qarax khasaare geystay uu Caawa ka dhacay,iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan qasaaraha ka dhashay.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa uu ka dhacay xaafada buundo weyn ee magaaladaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa la sheegaya in lagu weeraray bombo gacmeed,waxaana ka dhashay khasaare u badan dhaawacyo.

Ku dhowaad 7 ruux ayaa ku dhaawacantay Qaraxa, Sida ay Markacadeey.com u sheegeen madax ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan.

Dadka Qaraxa ku dhaawacmay ayaa u badan dumar , waxaana la sheegaya in ay caano ku gadaayeen goobta lagu weeraray bombooyinka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300