Published On: Sat, Sep 24th, 2016

Biyo la’aan ka taagan magaalada Xaleb

xalabl

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhallaanka ee UNICEF, ayaa sheegtay in dagaalka xooggan ee shalay ilaa xalay ka socday magaalada Xaleb ee dalka Suuriya, uu waxyeelo u geysteen goobihii ay magaaladaasi biyaha ka heli jirtay.

UNICEF ayaa sheegtay in dadka ku nool bariga iyo galbeedka Xaleb, ay wajahayaan xaalad adag oo biyo la’aan ah.

Afhayeen u hadlay hay’adaasi oo lagu magacaabo Kieran Dwyer, ayaa BBC u sheegay in shacabka Xaleb, gaar ahaan carruurta ay halis ugu jiraan xannuunada ka dhasha biyaha wasakheysan.

Waxa uu intaa raaciyay in dhinacyada isku haya dagaalka magaaladaasi ay biyaha u adeegsanayaan hub ahaan.

Dhanka kale, Maraykanka iyo Ruushka ayaa midba kan kale ugu baaqay in xulafadiisa uu cadaadis ku saaro, sidii ay u joojin lahaayeen dhiigga ku daadanaya Suuriya.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in Moscow ay mas’uuliyad ka saaran tahay, sidii ay xukuumadda Suuriya u aqbali lahayd xabbad joojinta la qorsheynayo.

Waxa uu intaa raaciyay in taasi lagu kala ogaan doono go’aan qaadashada Ruushka ee ku aaddan colaadda Suuriya.

Balse wasiirka arrimaha dibedda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa sheegay in Maraykanka aanu wax amar ah ku lahayn xooggaga xulafada la ah ee dagaalka kula jira xukuumadda Bashar al-Assad.

Sergei Lavrov ayaa tilmaamay in Bariga Dhexe uu la dhiigayo, waa sida uu hadalka u dhigaye, siyaasad xumid waddamada Galbeedka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300