Published On: Sat, Sep 24th, 2016

50 qof oo Soomaali ah oo wajahaaya xukun dil ah

xukun

Maxkamad ku taalla magaalada Mombai dalka India ayaa sheegtay in 119 ruux oo loo soo qabtay falal la xiriira burcad badeednimo 50 ka mid ah ay wajahaayaan xukun dil .

Dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa qirtay in ay ka galeen falalka lagu soo eedeeyay sanadkii hore, waxaana xilligaasi maxkamadu ay sheegtay in ay dib u eegi doono qaar ka mid ah eedeysanayaasha oo aan qaan gaarin.

Tirada dhalinyarada ayaa waxa ay gaarayaan ku dhawaad 119 qof waxaana qaarkood horay loogu riday xukuno kala duwan , inkastoo wararku ay sheegayaan in maxkamad ay hada arintaasi dib u bilaabayso.

Horay maxkamad ku taalla dalka India ayaa lasoo taagay dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu eedeeyay burcad badeednimo , laakiin lagama gaarin go’aan rasmi oo lagu shaaciyay xukunka lagu riday.

Ma’suuliyiin ka tirsan saxaafada Soomaaliya ee dalka India ayaa la sheegaya in horay loogu wargaliyay xukunkaan ayna booqdeen xabsiyada ay ku xiran yihiin dhalinyarada Soomaaliyeed.

Maxaabiistan xiran ayaa lagu soo qabtay hawlgal ay ciidamada bada India sameeyeen sanadkii 2011, kaasi oo lagu soo furtay labo Markab oo la afduubtay. Waxaana lagu eedeeyey in burcad badeeda Soomaalida ay dileen sadex naakhuude oo kasoo kala jeeda Pakistan iyo Iran.

Dhanka kale xaalada nolol xumo ayaa lagu soo waramaya inay haystaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada dalka India.

Dowladda Soomaaliya wali kama hadlin xukunka lagu riday dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu eedeeyay in ay burcadbadeed yihiin

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300