Published On: Fri, Sep 23rd, 2016

Soomaaliya oo maanta mar kale jeedineysa Dacwadda Muranka Badda

d1Dhageysiga Muranka Badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa weli waxa uu ka socdaa Maxkamadda Cadaaladda ICJ ee Magaalada Huage ee Dalka Holland, iyadoo maanta mar kale Soomaaliya ay jeedin doonto Dacwadda Muranka Badda ee kala dhaxeeya Dowladda Kenya.

Dr.Axmed Cali Daahir, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in Soomaaliya waddo xaq ah ay ku taagan tahay xaqna ay kusoo dhamaan doonto Dacwadaasi.

Kenya waxa ay is hortaagtay oo ay wali ku doodeysaa in Dacwadda aysan qaadin Maxkamadda Cadaaladda ICJ, taas badalkeedana ay arrintaan kawada hadlaan Soomaaliya iyo Kenya.

Shalay oo Khamiis ah ayaa fasax la galay, waxaana Maxkamadda dib la isugu soo laabanayaa maanta oo Jimco ah, si loo dhageysto doodda Soomaaliya.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Holland ayaa lagu soo waramayaa in ay abaabulayaan in ay ku dibad baxaan afaafka hore ee Maxkamada si tanaasul aan loogu samayn badda Soomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300