Published On: Fri, Sep 23rd, 2016

Ra’iisal wasaaraha “Guddiga Xalinta Qilaafaadka Doorashooyinka ayaa la magacaabay”

cumar-c-rashiid

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la magacaabay Guddi ka shaqeyn doona xalinta Qilaafaadka xilliga Doorashooyinka.

Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay Guddigan la magacaabay in ay yihiin kuwo isugu jira Odayaal, Siyaasiyiin Dalka in muddo ah ka soo shaqeeyay iyo xubno kale.

Wuxuu sheegay u jeedka ugu weyn ee loo magacaabay Guddigan in uu yahay sidii ay uga hortagi lahaayeen Qilaaf dhaca xilliga lagu guda jiro Doorashooyinka Dalka ka dhacaya gaar ahaa Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ugu dambeyn sheegay hadii ay dhacaan Musuq maasuq iyo waliba is daba marin in mar kale dib loo soo bilaabi doono Doorashada.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300