Dibadbaxyo Rabshado wata oo ka dhacay Charlotte
Dibed baxyo ayaa habeenkii labaad ka socda magaalada Charlotte ee Maraykanka, kuwaasoo ka dhashay dil ay booliska magaaladaasi u geysteen nin madow ah.
Booliska rabshadaha ka hortaga ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday dad dibed bax ka dhigayay bartamaha magaaladaasi, isla markaana ka caraysan dilka ninkaasi.
Qof rayid ah ayaa ku dhintay rabshadahan cusub, waxaana dowladda hoose ee magaaladaasi ay geeridaasi ku tilmaatay “rayid rayid kale dilay”
Dibed baxyada rabshadaha wata ayaa bilowday habeenkii Talaadada, ka dib markii ay soo baxday in booliska ay dileen nin lagu magacaabi jiray Keith Lamont Scott.
Booliska ayaa sheegay in ninkaasi uu hubeysnaa, isla markaana uu ka dhaga adeygay amarkooda. Balse qoyskiisa ayaa sheegaya in aanu wax hub ah sidan.
Duqa Charlotte, Jennifer Roberts, ayaa BBC u sheegtay in ay codsatay in la tuso muuqaalka ay booliska ka duubeen toogashadaasi.