Published On: Wed, Sep 21st, 2016

Dowladda Britain oo sheegtay inay kordhinayso ciidamada Somaliya ka joogga

timthumb-4

Dowladda Ingiriiska ayaa shaacisay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku kordhin doonaan ciidankeeda ka joogga Somaliya si loo xoojiyo dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Theresa May ayaa hadal dhinacyo badan taabanaya waxay ka jeedisay shirkii 71-aad ee Golaha ammaanka Qaramada Midoobay, waxaana ay ka hadashay arrimo badan oo Somaliya ah.

Theresa ayaa sheegtay in dowladeeda taageero xooggan u fidin doonto Somaliya, islamarkaana ay hadda diyaar u yihiin in ay laba laabaan taageerada ay siiyaan dowladda Somaliya.

Beesha caalamka ayeey sheegtay in sidoo kale iyaguna looga baahan yahay iney xoojiyeen taageerada ay siiyaan Soomaaliya, islamarkaana loo baahan yahay iney ka xoojiyaan sida ay hadda tahay.

Mar ay ka hadashay Theresa arrinta ku aadan weerarada lagu qaado saldhigyada Al-shabaab ee gudaha dalka ayeey tilmaantay iney aad u jeclaan lahaayeen iney noqdaan hormuudka ku fulinta weeraradaasi.

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Theresa May ayaa hoosta ka xariiqday in muhiim ay tahay in la qabto shirweyne caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, islamarkaana dhaqaale loogu uruurinayo dadka Soomaaliyeed.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300