Published On: Tue, Sep 20th, 2016

Qaramada Midoobey oo ka dayrisay xaalada caruurta Soomaaliyeed

caruurta-somaliyeed

Qaramada Midoobey ayaa soo saartay warbixin cusub oo ay ku sheegayso in ku dhawaad 5 Million Soomaali ah wajahayaan xaalada binaadamnimo.

40 boqolkiiba dadka kunool dalka ayaa Qaramada Midoobey waxa ay sheegtay in ay lasoo daris dhibaatooyin xoogan oo ay ka mid yihiin cuni yari taasoo ay suurta gal tahay in ay dad badan oo Soomaaliyeed ay u dhintaan sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

Warbixinta ay soo saartay Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale lagu sheegay in 300,000 dadkaasi ay yihiin caruur ay do’dooda ka hooseyso shan sano.

Qaramada Midoobey ayaa xustay in dadkaasi ay baahan yihiin in si deg deg ah loo caawiyo.

Qaramada Midoobey ayaa deeqbixiyaasha Caalamka ugu baaqday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gargaaro dadka ku dhibaateysan gudaha Soomaaliyeed.

” Kudhawaad 5Million oo Soomaali ah ayaa wajahaya  xaalad adag ,Qaarkood waxaa heysata nafaqo daro aad u baahsan sidaas darteed waa muhiim in deeqbixiyaasha Caalamka ay iska xilsaaraan dadkaasi ” sidaas waxaa yiri xiriiriyaha arimaha bil aadanida ee Qaramada Midoobey Soomaaliya Peter de Clercq.

Sida laga soo xigtay FAO  maareeyaha ee Hubinta Cuntada iyo Waaxda Nafaqada, waxaa dadkaasi ay baahan yihiin in laga taageero dhinacyada cuntada iyo sidoo kale hoyga.

Hay’adda FAO ayaa sheegtay in dadka Soomaaliyeed boqolkiiba 40 aysan haysanin cunto ku filan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300