Published On: Mon, Sep 19th, 2016

Axmed Cali Daahir”Soomaaliya maka Tanaasuli doonto Dacwada Muranka Badda”

bada
Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Hague ee Dalka Holland ay ka bilaabato Dhageysiga Dacwada Muranka Badda oo u dhaxeysa Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Dacwada ayaa waxaa qaadeysa Maxkamadda ICJ oo fadhigeedu yahay Magaalada Hague ee Dalka Holland.
Xeer ilaaliyaha Qaranka dr Axmed Cali Daahir oo ku sugan Magaalada Hague ayaa BBC u sheegay in Soomaaliya aysan marnaba ka tanaasuli doonin Dacwada Muranka Badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.

Dhageysiga Maxkamadda ayaa Maanta Bilaaban doonta waxaana ay soconeysaa illaa Jimcada Soo socota.
Sidoo kale ma jirto Cid sheegi karta Waqtiga ay Maxkamadda ICJ ay shaacin doonto Go’aanka Dawcada Badda ee ay u qaadeyso Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300