Published On: Sun, Sep 18th, 2016

Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku kala qaybsan Shirka Jowhar ka socda

maamulka

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ku kala qaybsan Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ee ka socda Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolkaasi.

Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo ah Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in shirka Jowhar uu yahay mid si wanaagsan ku socda, isalmarkaana loo baahan yahay mar waliba in la eego danta dadka dega labada Gobol.

Wuxuu sheegay habsami socodka Shirka inuu yahay mid ay ku qanacsan yihiin Xubnaha ka qaybgalaya ee Gobolka Hiiraan ka soo jeeda, sidaasi awgeedna muhiim ay tahay in loo dhamaado Shirka.

“Si wanaagsan ayuu shirka u socda dar dar leh, ana hadii aan nahay Maamulka Gobolka waxaan diyaar u nahay Shirka sida uu ku socdo inuu ku sii socdo.” Ayuu yiri Sheekh Cismaan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ayaa horay u qaadacay shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, isaga oo sheegay inaysan ka qaybgaleyn Shirkaasi.

Sida muuqata masuuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ku kala aragti duwan ka qaybgalka Shirka Jowhar ee ujeedkiisa uu yahay dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Dowladda Somaliya ayaa doonaysa in la de dejiyo dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, ka hor Doorashada Somaliya ka dhaceysana la soo dhameeyo Maamulkaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300