Published On: Sun, Sep 18th, 2016

Dilal caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

bistoolad

Wararka inaga soo gaaraya Caawa Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan Degmadaasi ay ku dileen Korneel C/laahi Sabriye Cabdulle oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Labo Dhalinyaro oo Bistoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in ay Dilkiisa ka dambeeyeen, waxaana dilka ka dib ay ka baxsaden goobta, sida ay Risaala u sheegeen Dad goobjoogayaal ah.

Maamulka Degmada iyo Ciidanka Amaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu ka dhacay dilka, iyagoo halkaasi ka bilaabay baaritaano ku aadan sida uu dilka u dhacay.

Dilka Degmada Hodan Caawa loogu geystay Korneel C/laahi Sabriye Cabdulle oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli maanta Degmadaasi Qarax ismiidaamin ah lagula eegtay General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) oo ahaa Taliyahii Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Wararka inaga soo gaaraya Degmada Waaberi gaar ahaan Agagaarka Suuqa Beerta ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay Caawa halkaasi ku dileen Fanaanka Cabdi Maxamuud Safaari oo ka tirsanaa kooxda Onkod.

Fanaanka Cabdi Maxamuud Safaari oo ka tirsanaa kooxda Onkod ayaa la sheegay xilliga la dilayay in uu ka soo baxay Masjid oo uu ku soo tukaday salaada Maqrib.

Labo Dhalinyaro oo Bistoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in ay Dilkiisa ka dambeeyeen, waxaana dilka ka dib ay ka baxsaden goobta.

Maamulka Degmada iyo Ciidanka amaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu ka dhacay dilka, iyagoo halkaasi ka bilaabay baaritaano ku aadan sida uu dilka u dhacay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300