Published On: Sat, Sep 17th, 2016

Midowga Afrika oo bixinaya mushaaraadka Ciidanka AMISOM

midowga-afrika

ka dib kulan ay yeesheen Madax ka tirsan Midowga Afrika ayay ku balan qaadeen in ay bixin doonaan Mushaarka ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Waxa ay sheegeen in ay ciidanka AMISOM ay la kulmayaan dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin dhanka mushaarka.

Dhawaan warbixin cusub oo kusaabsaneyd ciidanka Midowga Afrika AMISOM ayaa lagu shaaciyay in aysan Mushaar qaadan ciidanka AMISOM Muddo dhowr bilood ah.

Guddiga xiriirka howlgallada Militari ee Ururka Midowga Afrika  ayaa sidoo kale sheegay in ay laba jibaari doonaan dalalka Caalamka taageerada ay siiyaan ciidanka Midowga Afrika AMISOM.

Guddiga xiriirka howlgallada Militari ee Ururka Midowga Afrika  ayaa sheegay in ay ka go’antahay in ay ciidamada AMISOM ay ka taageeraan dhinacyo badan si ay u xaqiijiyaan amniga doorashooyinka lagu wado in ay ka dhacaan Soomaaliya bilaha fooda nagu soo haya.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ay rajeynaayaan in ciidanka AMISOM ay si weyn uga qeyb qaataan sugitaanka amniga goobaha ay ka dhacaayaan doorashooyinka Soomaaliya.

Soomaaliya waxaa jooga ciidamo aad u farabadan oo ka kala socda  Qaar ka  mid ah dalalka Afrika , kuwaa soo dagaal xooggan kula jira ururka Al-Shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300