Published On: Sat, Sep 17th, 2016

Kenya oo sheegtay in ay dishay dagaalyahano ka tirsan Shabaab

Kenya

Ciidanka dowladda Kenya ee qeyb ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shaaciyay in ay todobaadkaan ay dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

War kasoo baxay ciidanka dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in ay dileen 33 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab howlagal ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.

Howgalka koowaad ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Goobweyn oo ku dhow magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaana halkaasi lagu dilay 25 dagaalyahan sida lagu sheegay war kasoo baxay ciidanka dowladda Kenya.

Sidoo kale ciidanka dowladda Kenya ayaa sheegay in howgal ka fuliyeen deegaanka Wirkooy ay ku dileen tiro ka tirsan Al-shabaab.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in dadka la dilay ay ku jiraan Madaxdii Al-Shabaab u qabilsanaa dhanka Farsamada 3 Ka mid ah.

Wali kama hadlin Al-Shabaab hadalka kasoo baxay ciidanka dowladda Kenya ee lagu sheegay in lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300