Published On: Sat, Sep 17th, 2016

Donald Trump “Ilaalada Hillary Clinton hubka ha laga qaado

timthumb-2

Khudbad uu ka jeediyay Magaalada Miami ee Gobolka Florida ayuu ku sheegay in Waardiyaasha Hillary Clinton ilaalinaya ay ku haboon yihiin in hubka laga dhigo.

“Hillary Clinton waxaa ku wareegsan ilaalada ugu badan ee qof ilaaliya kuwaas oo si xooggan u hubeysan, waxay ila tahay in ay quman tahay in hubka laga dhigo kuwaas.” Ayuu yiri Trump

“Hubka halaga qaado, waxay dooneysaa (Hillary) in ay idinka hubka dastuurku idiin oggol yahay idinka qaado iyaduna haysato oo isku ilaaliso, bal hubka iyada halaga qaado waxaa imaanaya khatar aad u weyn markaas ayuu yiri Trump.”

Trump iyo Clinton waxay haystaan waardiyaal ilaaliya oo ka socda hay’adda nabadsugudda Mareykanka.

Clinton ayaa u ol-oleyneysa in hubka shacabka gacantiisa ku jir loo sameeyo sharci lagu xakameynaayo kadib markii dilalku aad ugu bateen dalkaas.

Hadalka cusub ee ka soo yeeray Trump ayaa canbaareyn kala kulmey dhinacyada siyaasadda ee Mareykanka.

Hillary Clinton ayaa aad ugu xoogan ololaheeda Musharaxnimada dalka Mareykanka, waxaana ay haysataa taageerayaal fara badan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300