Published On: Thu, Sep 15th, 2016

Shabaab oo la wareegay gacan ku haynta Deegaanka Moqokori

shabaabi

Ururka Al Shabaab ayaa la wareegay gacan ku haynta Deegaanka Moqokori oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, kadib markii ciidamada Itoobiya ay isaga baxeen deegaankaasi saaka aroortii.

Wararka ka imaanaya Deegaanka Moqokori ayaa sheegaya ciidamo fara badan oo Shabaab ka tirsan inay gudaha u galeen deegaankaasi, kadib markii Ciidamada Itoobiya ay faarujiyeen deegaanka.

Ilaa hada lama oga sababta rasmiga ah ee ciidamada Itoobiya ay uga baxeen deegaankaasi Moqokori, waxaana isu soo baxay deegaanka Boqolaal dadweyne ah oo daawanaayay sida dagaalyahanada Ururka Al Shabaab ay u soo galeen Magaalada.

Ciidamadii Itoobiya ee isaga baxay deegaanka Moqokori ayaa u jiheystay dhanka Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, iyaga oo wata gaadiid dagaal oo fara badan.

Xaalada deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan ayaa degan, ciidamada Ururka Al Shabaab ayaana ku sugan Magaalada oo la wareegay difaacyadii ay baneeyeen ciidamada Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya markii saaka ay ka baxeen deegaanka Moqokori, waxaa ka daba baxay ciidamada Dowladda Federalka Somaliya oo inta badan suuragal aysan aheyn inay ku sugnaadaan deeganada hadii aysan joogin ciidamada Amisom.

Ciidamadan ka baxay Moqokori, ayaa qaarkood dhawaan waxa ay soo faarujiyeen fariisimo ciidan oo ay ku lahaayeen deeganka Budbud oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300