Published On: Thu, Sep 15th, 2016

Mareykanka 38 Milyan oo Doolar ugu deeqay Isra’iil si ay hub ugu iibsato

mareeykanka

Dowlada Mareykanka ayaa saxiixday heshiis cusub oo dhanka difaaca ah oo lagu taageerayo xukuumada Isra’iil kaasi oo qiimahiisa yahay $38 bilyan oo dollar oo lasiin doono Tel Aviv 10ka sano ee soo socda.

Mareykanka ayaa u qoondeeyey lacag gaareysa 3.8 bilayn oo sanad walba lasiinayo Isra’iil si ay ugu horumariso hubkeeda, lacagtan oo socon doonta muddo 10 sano ah ayaa isu geyn ah 38 bilyan oo dollar.

Raysalwasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu ayaa horey uga codsday Maraykanka in sanad walba ay siiyaan 4.5 Bilyan oo dollar, balse lacagta hada loo balan qaaday ayaa ka yar tii ay codsadeen.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa la sheegay inuusan ku qanacsaneyn in heshiiskan Maraykanka saxiixo balse waxaa cadaadis xoogleh uga yimid Xildhibaanada Maraykanka iyo shirkadaha hubka soo saara ee Maraykanka oo mashruucan si weyn uga faa’iidaya.

Isra’iil ayaa taageerada ugu badan ee dhanka hubka ah ka hesha dalka Maraykanka, waxaana hubka cusub ee Maraykanka ku taakuleyn doono Isra’iil kamid ah gantaalada difaaca oo ay soo saaraan shirkadaha Maraykanka.

Shirkadaha hubka soo saara ee Maraykanka oo awood balaaran kuleh dalka Maraykanka gaar ahaan dhanka shaqo abuurista ayaa xarumo ka sameystay dhamaan gobalada dalka Maraykanka, iyagoona xildhibaanada gobaladaasi laga soo doorto ku cadaadiya inay mar walba taageeraan heshiisyada ay danta ugu jirto shirkadahaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300