Published On: Thu, Sep 15th, 2016

Madaxweyne Xasan oo sheegay Guddiyada Doorashooyinka inaysan Siyaasad ku shaqo laheyn

xasan-shee

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa cadeeyay Guddiyada kala duwan ee ku howlan arimaha Doorashooyinka inaysan wax shaqo ah ku laheyn arimaha Siyaasadaha kala duwan ee dalka ka taagan.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Guddiyada Doorashooyinka iyo Xalinta Khilaafaadka Shaqadooda inay tahay diyaarinta hanaanka Doorashada iyo Xalinta wixii Khilaafaad ah ee ka yimaada arimaha Doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa meesha ka saaray shakiga laga muujin karo in Guddiyadan ay siyaasado gaar ah ku lug leeyihiin, isaga oo si cad u sheegay shaqadooda inaysan qayb ka aheyn fara gelinta marxaladaha Siyaasadeed ee dalka ka jira.

“Guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka siyaasad shaqo kuma lahan, waxa la dhisayo oo la isku keenayo waa kii dhexe oo dadka oo dhan ka wada dhaxeeyay, qof walbo hoggaanka ugu fiican, xildhibaanka ugu fiican, ugu dal iyo dad jecel in lasoo doorto ayaan rabnaa, qof qof lahaan karo ma jirto, xildhibaan koox lahaan karto ma jirto, baarlamaanka aan  soo dooraneeyno waa kii Federaalka ahaa oo dalka oo dhan ka dhaxeeyay, aan soo xulanno dad fiican una soo xulanno si nadiif ah oo yaanan gelin kala shaki, aad ayaana ugu kalsoonahay in sidaasi wax u dhici doonaan, dowladda Federaalka diyaar ayeey u tahay in wax walbo u dhacaan sida ugu muhiimsan” ayuu yiri Madaxweynaha.

Isaga oo hadalka siiwata ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu cadeeyay inaysan jirin Ajande gaar ah oo laga leeyahay arimaha Doorashooyinka oo aanan ka aheyn in dalka ay si rasmi ah uga qabsoonto Doorashooyinka.

“Dadka Soomaaliyeed waxaan mar kale ugu baaqayaa dhammaan iney u istaagaan iney fududeeyaan qabsoomidda doorashooyinka, waxaan rabaa in kalsooni buuxda ay qaadaan dadka Soomaaliyeed, ajende gaar ah oo qof, maamul ama hay’ad gaar ah oo dowladda ka tirsan ka leedahay Doorashooyinka ma jiraan oo aan ka ahayn doorasho Soomaaliyeed oo waqtigeeda iney dhacdo ah oo si daah furan u dhacda”

Siyaasiyiinta Somalida qaarkood ayaa qaba tuhun ah in Guddiyada Doorashooyinka dadban ee dalka ay xiriir toos ah la leeyihiin Madaxda ugu sareysa dalka, taasi oo ka dhigi karta arimaha Doorashooyinka mid dhinac u janjeerta.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300