Published On: Thu, Sep 15th, 2016

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhaw gaaray Magaalada Jowhar

somaliya

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goor dhaweyd gaaray Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe, halkaasi oo ay taalo gogosha Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdiga uu hogaaminaayay ayaa ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jowhar, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana la soo dhoobay Magaalada ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Federalka Somaliya.

Qorshaha uu u tagay Magaalada Jowhar Madaxweynaha somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ah Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo muddooyinkii la soo dhaafay hakad uu ku jiray, inkastoo hada dib loo bilaabay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filaayay inuu shalay gaaro Magaalada Jowhar, hayeeshe waa ay suurageli weysay oo dib u dhac ayaa ku yimid safarkiisi, shalay balse maanta ayeey suuragashay inuu tago  magaaladda Jowhar.

Odayaasha Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ayaa ku diyaarsan Magaalada Jowhar, kuwaasi oo kulamo gaar gaar ah la qaadan doona Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Inkastoo ay jiraan beelaha qaar oo ka biyo diidsan sida Shirka uu ku socdo iyo qorshaha Dowladda ay ku wado dhismaha Maamulka Hiiran iyo Shabellaha Dhexe, ayaa hadana Dowladda Somaliya waxa ay wadaa qorshe ay ku dedejinayso dhismaha Maamulkan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300