Published On: Tue, Sep 13th, 2016

Shabaab oo dhoolatus ciidan ku soo bandhigay Gobolka Galgaduud (SAWIRRO)

shabaab-7

Ururka Shabaab ayaa ciidamo ku soo bandhigay Degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud, halkaasi oo Xoogaga Shabaabka ay gacanta ku hayaan Maamul ahaan.

Degmada Galhareeri dhimaca Galbeed waxaa qiyaas ahaan 90-KM ka xiga Degmada Ceelbuur, dhinaca waqooyi waxayna Shabaabka soo bandhigay gaadiid dagaal oo fara badan iyo ciidamo ay saaran yihiin.

Ciidamada Shabaabka ee la soo bandhigay waxaa ka mid ahaa nin weyn oo garwaaxsan Qoriga loo yaqaan Dabajeex (BKM) kaasi oo ka mid ah ciidamada Ururka Al Shabaab

Awood ahaan marka la eego Ururka Al Shabaab weli waxa ay haystaan hub iyo gaadiid, maadaama inta badan dagaalada ay la galaan ciidamada Dowladda aanan looga qabsan gaadiid dagaal.

Al Shabaab ayaa inta badan si aad ah uga taxadara in gaadiid looga qabsado dagaalada ay la galaan ciidamada Dowladda Federalka Somaliya iyo kuwa Amisom.

Khubarada dhanka ammaanka ayaa sheega in weli awooda Shabaabka ay jirto, maadaama ay haystaan hub fara badan oo qaarkood ay ka qaateen xarumo Ciidan oo Amisom ay leeyihiin.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA

shabaab-3 shabaab-1 shabaab-2 shabaab-3 shabaab-4 shabaab-5 shabaab-6 shabaab-7 shabaab-8 shabaab-9g shabaab-10

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300