Published On: Tue, Sep 13th, 2016

Madaxweynaha dalka Jabuuti iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo Muqdisho soo gaaray

itoobiyaMadaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiintaan ayaa waxaa soo dhaweeyay madax ka tirsan Dowladda Somaliya, gaar ahaan Wasiiro badan oo ka tirsan Xukuumadda, kuwaasi oo ku diyaarsan Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, si ay u soo dhaweeyaan Madaxda qaar.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan hoolka Shirka uu ka dhacaayo qayb ka mid ah, halkaasi oo madaxda ay ku sii nasanayaan inta laga gaarayo furmashada Shirka.

Waxaa la sugayaa Madaxweynayaasha dalalka, Uganda, Kenya, South Sudan iyo Sudan inay soo gaaraan Magaalada Muqdisho si arimaha Shirka loo guda galo, islamarkana loo furo Shirka.

Waa markii  ugu horreysay oo magaalada Muqdisho shir ku yeeshaan madax ka socota dalalka Afrika wixii ka dambeeyay burburka dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Amniga guud ee magaalada Muqdisho waa mid aad loo adkeeyay, waxaanaa guud ahaan magaalada lasoo dhigay ciidamo farabadan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300