Published On: Tue, Sep 13th, 2016

Iska horimaad kulul oo ka dhacay Degmada Boondheere iyo khasaaraha oo isa soo taraya

breaking news

Ciidan ka wada tirsan Dowladda Somaliya, ayaa gelinkii dambe ee maanta ku dagaalamay xaafadda Busley ee Degmada Boondheere ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Dagaalkan, ayaa waxaa uu yimid markii Ciidamada Booliska oo wadada ay u xirneyd, ka biyo diideen in gaadiid ay la socdeen Ciidamada Militariga ka gudbaan halkaasi. Ciidamada Militariga waxaa ay iska diideen in ay dib u laabtaan, iyagoona ku cago jugleeyay inay dagaalamayaan.

Labada ciidan oo iska horimaadkoodu uu socdo, ayaa waxaa Ciidamada Booliska soo gaaray gurmadyo dhinacyo kala duwan isaga kala yimid, taasoo sii kululeysay iska horimaadka.

Salaaddii Maqribka ka dib, ayaa waxay Madaxtooyada Somaliya amar ku bixisay in halkaasi laga soo saaro Ciidamada Booliska, waxaana iminka ku sugan Ciidamadii MilitariGA oo ka yimid dhinaca Magaalada Jowhar.

Sidoo kale Madaxtooyada, ayaa waxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ku wargelisay in la soo xir xiro Ciidamadii Militariga, ee dhaliyay iska horimaadkan.

Dhanka kale waxaa isa soo taraaya khasaaraha ka dhashay iska horimaadka. Waxaa hadda la’ogyahay dhimashada afar askari oo labada dhinac ah, halka dhaawacuna uu intaa ka badan.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabad Suggida, ayaa sheegay in dhimashada labada dhinac ay ka badan karto, inta hadda la’ogyahay, isla-markaana ay gaari karto sideed askari.

Wariye C/casiis Maxamuud Guuleed (Afrika) oo ka tirsan Warbaahinta Dowladda, ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhaawacmay iska horimaadka.

Wariyaha, ayaa xilligii uu iska horimaadku dhacaayay maraayay wadada, waxaana hadda dhaawaciisa la dhigay Isbitaalka Digfeer, sida ay inoo xaqiijiyeen eheladiisa.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300