Published On: Tue, Sep 13th, 2016

Howlgallo lagu soo qab qabtay Rag ka tirsan Shabaab

3-1-1

Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa Howlgallo ay ugu magacdareen Wabiga Shabeelle waxa ay ku soo qab qabteen Rag ka tirsan Shabaab.

Ragga la qabtay ayaa waxaa la sheegay in Al-shabaab ay u qaabilsanaayeen Miino dhigista iyo dilalka qorsheysan ,Nin kamid ah ragga la qabtay waxaa uu ka soo jeedaa Itoobiya, sida ay sheegeen Saraakiisha Maamulka jubbaland.

Saraakiisha Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Howlgalkan lagu soo qab qabtay 3 Dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab iyo sidoo kale Hub ay wateen.

Waxa ay sheegeen in Howladan ka socda Deegaanada Jubbaland ay yihiin kuwo Shabaab looga saarayo Deegaanada Jubbaland, iyagoo sidoo kale shacabka Deegaanada Jubbaland ka codsaday in ay la shaqeeyaan Ciidanka Amaanka.

Hoggaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa horey u sheegay in ay bilowdeen Howlgallo Shabaab looga saarayo Gobolada Jubbooyinka iyo Gobolka Gedo.

3-1-1

4-1-1

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300