Published On: Tue, Sep 13th, 2016

Booliska Mombasa oo xiray Afar ruux oo lala xiriiriyay weerar lagu qaaday Saldhig Boolis

mombasa

Iyadoo maalintii Axada todobaadkaan Magaalada Mombasa uu ka dhacay weerar lagu qaaday Saldhiga Booliska Magaalada, islamarkaana weerarkaasi ay fuliyeen Haween tooreeyo ku hubaysnaa, ayaa Booliska waxa ay xireen dad ay ku tuhmayaan inay qayb ka yihiin falalkaasi dhacay.

Ciidamada Booliska oo sameeyay howlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayay ayaa soo qabtay Afar ruux oo saddex ka mid ah yihiin Dumar halka ruuxa kalena uu yahay nin Rag.

Wararka waxa ay sheegayaan Afarta ruux ee ciidamada Booliska ay soo qabteen saddex ka mid ah inay yihiin Qaxooti Somali ah oo dalkaasi ku sugan waa sida Warbaahinta Kenya ay tabinayso.

Afartaan ruux ayaa laga soo xiray gurigii ay ka soo baxeen Haweenkii weerarka ku qaaday Saldhiga Booliska Magaalada Mombasa, waxaana ku socoto Baaritaano sida Saraakiisha Booliska ay sheegayaan.

Dumarka Ciidanka ay soo qabteen ayaa lagu kala magacaabaa Siciido Cali Xaaji, Naciimo Maxamed Cali iyo Shukri Cali, weli lama shaacin magaca ruuxa Afaraad oo rag ah.

Booliska waxa ay tilmaamayaan in xubnahan Baaritaano dheeri ah lagu sameyn doono si loo kala cadeeyo inay raad muuqda ku leeyihiin weerarkii Axadii dhacay iyo inaysan wax raad ah ku laheyn.

Booliska Magaalada Mombasa ayaa ku jira feejignaan ku aadan suggida ammaanka, wixii ka dambeeyay weerarkii Saldhiga lagu qaaday, Booliska waa ay toogteen Haweenkii weeraray Saldhiga.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300